Kenya oo sheegtay inay dishay Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidanka Booliska Dalka Kenya ayaa aroornimadii hore ee Saaka oo Jimca ah toogasho ku dilay Nin la sheegay in uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, kaas oo in muddo ah ay doon-doonayeen Laamaha ammaanka dalkaas.

Mohamed Rashid Mwatsumiro, oo loogu yeero  Msanii, ayaa lagu dilay Gurigiisa oo ku yaalla Xaafadda Ng’ombeni ee Degmada Matuga  oo ka tirsan Is-maamulka Kwale, xilli ay Boliisku ku raad-joogeen.

Taliyaha Boliiska is-maamulka Kwale, Tom Odero , ayaa sheegay , in Ninka la toogtay ee ka tirsanaa Al-Shabaab uu qabay dhaawac ay Ciidanku u geysteen, isla markaana ay Gurigiisa kasoo heleen Hal Baastoolad.

Dhinaca kale Sarkaal ka tirsan Boliiska Kenya oo lagu Magacaabo Jeremiah Mula, ayuu howl-galkaasi kasoo gaaray dhaawac xagga Caloosha ah, kaas oo xaaladdiisa lagu baxnaaninayo Isbitaalka, sida ay laamaha ammaanku u sheegeen Jariiradda Daily Nation.