Kenya Oo Xabsiga dhigtay lamaane Ay ku,eedeeyeen in Al-shabaab ay Xariir laleeyihiin

Hadal ka soo baxay Boliska Kenya ayaa lagu sheegay inay Lammaanahaasi ku qabteen Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi.

Bolisku waxay Lammaanahaasi oo lagu kala magacaabo Yaasiin C/lle Xuseen “Abu Sumeya iyo  Fartuun Maxamuud Guuleed sheegeen inay ku tuhunsan yihiin inay maalgeliyaan, lana shaqeeyaan Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen

Waxay kaloo Boliska Kenya sheegeen inay Lammaanahaasi yihiin kuwo xiriir la leh  Nin magaciisa lagu sheegay  C/weli Maxamed Guuleed “C/weli Kamaure, kaasi oo la sheegay inu uu ahaa Maskaxdii ka dambeysay weerarkii ay Alshabaab bishii November ee sannadkii 2014-kii ku dileen dad aan Muslim ahayn oo  la socday Bas ku sii jeeday Mandhera.

Dhinaca kale, Wargeyska Nation ayaa qoray Lammaanaha lagu qabtay Xaafadda Islii ee  Nairobi ay ka mid yihiin 6 qof oo lagu tuhunsan yahay Alshabaab o oay Boliska Kenya isbuucii hore soo bandhigeen Magacyadooda iyo Sawiradooda, kuwaasi oo Bolisku sheegay inay yihiin dad khatar ah oo hubeysan.