Kenya oo xirtay rag lagu tuhmaayo Al-Shabaab

Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa xiray Saddex nin oo  lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan Gudaha Soomaaliya.

Ciidamada Booliska ayaa raggaasi ku xiray  Nyeri County , waxaana ay ku qabteen howlgallo ay ka sameeyeen Nyeri degaanada hoos yimaada.

Waaxda Baarista ayaa sheegay in la xiray  Charles ,Mutua iyo Othaya,islamarkaana ay baaritaano ku waddaan raggaan lagu eedeyay in ay ka tirsan yihiin Shabaab.

“Waxaan gacanta ku dhignay Saddex nin oo lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Shabaab, ciidamada waxa ay ku waddaan baaritaano kala duwan” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska.