Kenya oo Xirtay Sarkaal lagu Eedeeyay inuu xariir la leeyahay kooxda AL-Shabaab..

Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa Sabtidii shalay soo qabtay sarkaal kamid ah ciidamada dalkaas oo looga shakiyay inuu gacan saar la leeyahay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, sidoo kalena weerarta dalkaasi.

Sarkaalka lasoo xiray ayaa ka howl-galayay deegaanka Likono ee ismaamulka Mombasa, wuxuuna Kenya u qaabilsanaa qorista ciidamada cusub ee ku biiriya Booliskeeda.

Wararka ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqa ninkan laga shakiyay, kadibna ay soo xireen ciidamada sida gaarka ula dagaalama waxa loogu yeero argagixisada.

Sidoo kale waxaa haatan bilaabatay maxkamadeynta sarkaaalkan oo loo haysto 4 dacwadood oo ay ka mid yihiin la shaqeynta Shabaab iyo inuu colaad ka horinayay gobolka,

Sarkaal lasoo xiray ayaa horay sidaan oo kale gacanta loogu soo dhigay, kadib shaki soo galay, balse waa uu iska bari yeelay, kadibna sidaas ayaa lagu sii daayey.

Kenya ayaa waxaa inta badan howlgallo culus ka fulisa kooxda Al-Shabaab oo beegsata ciidamada booliska iyo xarumaha muhiimka ah ee ku yaalla gudaha waddankaasi.