Khabiirka Sky Sports Ee Paul Merson Oo Saadaaliyay Kulamada Premier League Ee Usbuucan La Ciyaari Doono-Muxuu Ka Yidhi Chelsea Vs Tottenham?

Khabiirka Sky Sports ee Paul Merson ayaa la soo laabtay horyaalka Premier League kadib kulamadii caalamiga ahaa wuxuuna bixiyay saadaashiisa todobaadkan ee natiijooyinka 10 ka kulan ee ay 20 ka kooxood ee Premier League ciyaari doonaan.

Paul Merson ayaa ah khabiirka kaliya ee xili ciyaareedkan oo dhan si joogto ah u saadaaliyay dhammaan 38 ka kulan ee Premier league isaga oo caan ku noqday in uu kulamo badan saxo natiijo ahaan iyo tirada goolasha lagu kala badiyo wuxuuna markan saadaaliyay sida laga filan karo kulamada usbuucan.

 

Kulamada todobaadkan waxaa lagu bilaabi doonaa kulanka ay Liverpool booqan doonto kooxda Crystal Palace wuxuuna Merson saadaaliyay in Liverpool ay 3-1 ku soo garaaci doonto isla markaana ay sii wadan doonto dagaalka ay ugu jirto in ay ku dhamaysato kaalmaha sare ee Champions League loogu soo baxayo.

Paul Merson ayaa sidoo kale guul 2-0 ah u saadaaliyay Manchester United oo Old Trafford ku soo dhawayn doonta kooxda Swansea City halka uu guul taas la mid ah u saadaaliyay kooxda Manchester City oo talaabo kale u qaadi karta ku guulaysiga koobka Premier League.

Paul Merson ayaa guul 3-0 ah u saadaaliyay Arsenal oo soo dhawayn doonta kooxda Stoke City laakiin kulanka Paul Merson saadaashiisa laga sugayay ayaa ah kulanka London Derby ee ay Chelsea soo dhawayn doonto kooxda Tottenham wuxuuna saadaaliyay in inkaarta Spurs ee Stamford Bridge ay sii socon doonto oo ay Blues 2-1 guul ku gaadhi doonto.

Halkan Kaga Bogo Dhamaan Kulamada Todobaadkan laga ciyaari doono Horyaalka Premier League iyo Saadaasha Khabiirka Sky Sports ee Paul Merson oo dhamaystiran: