Khasaaraha Hantiyadeed Ee Ka Dhashay Dabkii Ka Kacay Goobo Ganacsi Degmada Kaxda

Degmada Kaxda ee gobolka Banaadir xalay abaare 10:00-PM habeenimo waxaa ka kacay Dab khasaare hantiyeed geystay, kaasi oo ka dhashay koronto, sida ay warbaahinta u sheegeen masuuliyiinta degmadaasi.

Dabkan ayaa si gaar ah uga kacay goobo ganacsi oo ku yaalla Waaxda Saddexaad ee degmada Kaxda oo lagu magacaabo Cumar Fiyaasko, wuxuuna Dabkan u dhawaa xarunta degmada Kaxda.

Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil C/laahi ayaa sheegay in Dabka markii hore uu ka bilowday Dukaan halkaasi ku yaallay, kadibna uu ku fiday goobo ganacsi kale oo ka akdhawaa, isaga oo sidoo kale tilmaamay inaanay jirin khasaare nafeed oo Dabkan ka dhashay.

Masuuliyiinta degmada Kaxda ayaa waxa ay sheegeen Dabkan oo loo maleynayo inay sababtay Koronto in markii dambe ay ku guuleysteen damintiisa, kadib markii halkaasi ay gaareen gaadiidka Dab damiska Dowladda Hoose ee Xamar.

Qaar ka mid ah dadkii goobaha ganacsi ku lahaa aagga uu dabka ka kacay ayaa shaqaalaha gurmadka deg dega ku ammaanay inay xakameeyeen Dabkaasi, islamarkaana ay ka hortageen in goobo ganacsi oo hor lihi uu ku fido.

Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska ayaa lagu soo daadiyay xalay wadooyinka gala goobta uu dabku ka kacay, si ay kaga hortaggan in boob lagula kaco goobaha kale ee ganacsi ee ku dhow.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu Dabka ka kacay ayaa muujinayay ilaa Afar goobood oo ganacsi in halkaasi ay ku gubteen, inta badan dabka ka dhasha korontada ayaa khasaare kala duwan u gaysta goobaha ganacsiga ee ku yaalla dalka.