Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Degmada Hodan

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha Guud ee ka dhashay qarixii ismiidaaminta ahaa ee maanta lagu weeraray Xarunta Maamulka degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Wariyeyaal tegay Xarunta degmada Hodan ayaa waxa ay sheegeen inay arkeen dhimashada in ka badan 7 ruux iyo dhaawaca kale,kuwaas oo u badan dad Shacab ah oo ku sugnaa Xarunta iyo agagaarkeeda.

Sidoo kale waxaa burbur xoogan soo gaarey gebi ahaanba Xarunta degmada Hodan iyo sidoo kale Masjid iyo dhammaan Guryihii ku dhowaa Xarunta oo ay degan yihiin dad Rayid ah.

Laamaha amniga Soomaaliya iyo Maamulka degmada Hodan weli wax faah faahin ah kama bixin weerarka ismiidaaminta ah ee lagu qaaday Xarunta Maamulka degmadaasi Hodan.

Mudo toban Maalmood gudahood ah waa Xaruntii labaad oo weerar ismiidaamin ah lagu qaado,iyada oo todobaadkii hore la weeraray Xarunta Maamulka degmada Howl-wadag ee Gobolkan Banaadir.