Khasaare ka dhashay weerar ka dhacay magaalada boosaaso.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weeraro culus oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Weerarka koowaad oo ay fuliyeen dabley hubeysan ayaa ka dhacay suuqa weyn ee magaalada, ayaga oo rasaas ku furay dad ku sugnaa halkaasi.

Goobta waxaa ku dhintay nin ka mid ahaa ganacsatada yar yar ee wax kuu iibiya suuqa uu ka dhacay weerarka, ayaga oo kadib baxsadeen raggii ka dambeeyay falkaasi.

Sidoo kale weerarka loobaad oo loo adeegsaday bambaanooyin ayaa lagu qaaday guriga wasiirka amniga Puntland Ibraahin Cartan Xaaji Bakiin, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Saraakiisha amniga oo ka hadlay weerarka ayaa sheegay inaanay jirin cid wax ku noqotay bambooyinkan lagu tuuray hoyga wasiirka amniga ee maamulka Puntland.

Bilihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ka dhacayay qaraxyo, kuwaas oo intooda badan ay dhacaan xilliga habeenkii ah, iyadoo lala beegsanayo goobaha ganacsiga, mana jirto illaa hadda cid si toos ah u sheegatay weeraradaasi.