Qarax Miinada nooca dhulka lagu Aaso ah ayaa saacadihii la soo dhaafay lala beegsaday Kolonyo Gadiid ah oo ay wateen Ciidamada Kenya, xilli ay marayeen meelo kamid ah dhulka Xadka Soomaaliya iyo dowladda Kenya.
Qaraxa ayaa qabsaday mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada Kenya xilli ay marayeen inta u dhaxeysa degaannada Koomoole iyo Kaambooni, waxaana la sheegay in qaraxa kadib Ciidamada Kenya ay rasaas farabadan fureen.
Kolonyada Ciidamada Kenya ee qaraxa lala beegsaday ayaa ka yimid dhinaca degaanka Koomoole, ayna kusii jeedeen deegaanka Kaambooni, balse qaraxa kadib ay dib ugu laabteen degaankii ay ka yimaadeen ee Koomoole.
Saraakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka Waqooyi Bari ayaan weli ka hadlin qaraxa, waxaana uu kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay ay Al-Shabaab kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan degaano katirsan Gobolka Waqooyi Bari.