Faah-faahino dheeraad ah ayaa kaso baxaysa shaqaaqo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacday isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.
Shaqaaqada ayaa timid, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay rasasaaseeyn dadweyne careysay oo dibad-bax ka dhigayay halkaasi, waxaana ka dhashay khasaare.
Dibad-baxa oo ay dhigayeen dadka deegaanka ayaa waxaa looga cabanayay maamulka degmada Warta Nabadda, sida ay sheegeen qaar kamid ah dadkii ka qayb-galay.
Xuquuqdeena ayaan u baahanahay, kursigeenna ayaan rabnaa, waxaana iska leh Beesha Macallin Dhiblaawe” ayay iyaduna tiri hooyo kale oo kamid ah dadka deegaanka.
Ugu yaraan hal wiil oo dhalinyaro ahaa ayaa ku dhintay rasaasta, halka ay ku dhaawacantay haweeney kale, taas oo sii kordhisay xiisadda ka taagan Siinaay.