KHasaarooyin kaladuwan oo ka dhashay dagaal ka dhacay magaalada garoowe.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ka qarxay bartamaha magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Dagaalka oo ka dhacay dhanka bari ee magaalada ayaa wuxuu u dhexeeyay rag hubeysan oo isku qabtay dhul ku yaalla halkaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa is rasaaseynta dhex martay labada dhinac ku dhintay ugu yaraan hal qof, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ee Puntland, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa gaaray meesha lagu dagaalamay, waxayna isku geedaameen labada dhinac ee dagaalamay.

Xaaladd ayaa weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in iska hor imaad kale uu ka dhaco Garoowe, maadaama ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Garoowe ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca iska hor imaadyo hubeysan oo ka dhasha muranada dhulalka iyo kuwa kale oo ku aadan la dagaallanka kooxaha ka ganacsada maandooriyaha ee ku sugan magaaladaas iyo deegaanada kale ee hoos yimaada.