Kheyre iyo Abiy oo ku kulmay Adisababa.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta Booqasho ku tagay dalka Itoobiya ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaara Itoobiya Dr. Abiy Ahmed.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa iska wareystay Xaalada labada Dal, waxeyna intaa kadib ka wada hadleen qodobo ay kamid ahaayeen Kobcinta dhaqaalaha, Horumarinta caafimaadka, waxbarashada, iyo amniga guud ahaan gobolka gaar ahaan sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka Al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta ayaa isla soo qaaday xaaladda caabuqa Coronavirus iyo sida ay labada dal wadajir u wajahi karaan, iyada oo la eegayo dhinacyada la iska kaashan karo, si looga hortago inuu ku faafo labada dal.

Kulanka ayaa ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaana ka qeyb ka ahaa Wasiiro aka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Waliba dowladda Itoobiya.

Safarka Kheyre ayaa ahaa mid deg deg ah oo aan horay loo sii shaacin, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu ku saabsanaa Arrimo ay ka mid yihiin sidii loo xalin lahaa Itoobiya oo ka Carootay markii Soomaaliya ay la safatay Masar Arrimaha wabiga Nile.