Kheyre Oo Booqday Ciidamo tababar loo Soo Xiray

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqasho dhiirri gelin iyo dardaar ah ugu tegay ciidamo tababar loogu soo xiray xerada Gen. Goordan, loona diyaariyay howl- gal Al-shabaab looga saarayo deegaannada ay uga sugan yihiin Gobolada dalka.

Ciidanka oo loo soo gebegebeeyay tababar ayaa qayb ka noqonaya ciidamo horay sidaan oo kale loo tababaray kadibna xoreeyay oo nolosha dib ugu soo celiyay deegaanno horay ugu sugnaayeen Al-shabaab.

Mudane Xasan Cali Khayre oo ballan qaaday in xaquuda ay ciidanku leeyihiin loo dhammaystirayo, ayaa uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay in si toos ah u gutaan waajibaadka Shaqo.

Xerada Gen. Gordan ee lagu tababay ciidamadaan waxaa hogay uga qalin jebiyay dufcado ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ka qayb qaatay howl gallo Al-shabaab looga xoreeyay magaalooyin ay uga sugnaayeen dalka, halkaas oo ciidanku ay ka hir geliyeen dhaqanno wanaagsan iyo is-dhex gal bulsho oo horseeday in ciidanka iyo bulshadu ka wada shaqeeyaan horumarinta nabad-gelyada.