Kheyre Oo dhakax dhigay hoyga nabada Gaalkacyo

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta dhagax dhigay Hoyga Nabadadda magaalada Gaalkacyo.

Ra’iisul Wasaaraha oo dhismaha hoyga nabadda ku tilmaamay sharaf u soo hoyatay Mudug iyo dadka Soomaaliyeed oo dhan ayaa ku ammaanay maamullada labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo iyo gobalka Mudug dadaalkooda ku aaddan nabadaynta waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan si guriga nabadda Gaalkacyo loo gaarsiiyo guriga nabadda Soomaaliya.

“Gaalkacyo midaysan waa Soomaaliya mideysan, Gaalkcayo nabad ah waa Soomaaliya oo nabad ah”, Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Munaasabad dhagax dhigga oo ay ka qayb galeen guddoomiyayaasha gobalka Mudug iyo gudoomiyayaasha degmada Gaalkacyo ee Puntiland iyo Galmudug iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa ka dhacday qaybta Koofureed ee magaalada Gaalkacyo.

Hoyga Nabadda Gaalkacyo ayaa saldhig u noqnaya dadka ka shaqeeya nabadda Gaalkacyo, odayaasha dhaqanka iyo dadka samaddoonnada ah ee bulshada isu soo duma, si sare loogu qaado isdhex galka bulshada, dib-u-heshiisiinta, loogana shaqeeyo soo celinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.