Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Magacaabay Guddi Wasiiro oo ah oo hoggaamin doona u gurmashadda Shacabka degmada Qardho ee daadku sameeyeen.
Guddiggaan ayaa waxaa Guddoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.
Waxaa ka mid ah Wasiiraddaha , Wasaaradda Gargaarka, Boostadda iyo isgaarsiinta, Qorsheynta, Wasiir dowlaha Maaliyadda iyo Wasiir ku xigeenka Caafimaadka.
Kheyre ayaa guddigaan amray in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u gargaaraan Shacabka degmada Qardho.
Waxaa sii kordhaya khasaaraha nafeed iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay daadadkii ku rogmaday Xaafado ka tirsan Magaalada Khardho ee Xarunta Gobolka ay Puntland u taqaano Karkaar.
Ciidamada Qeybta Booliska Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxaa ay wadaan Gurmadyo kala duwan,waxaana dhaqaatiirta Isbitaalka Khardho ay sheegeen in loo keenay ilaa 7 Ruux oo Meyd ah,kuwaas oo daadadka ku dhintay.