Kheyre oo habiin kii Xalay ahaa kulamo laqaatay bilshada Gaalkacyo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay ku hoyday Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, iyaga oo safar dhinaca dhulka ah shalay gelinkii dambe uga ambabaxay Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa tan iyo xalay waxaa ay kulamo ka wadaan Gudaha Magalada Gaalkacyo,iyaga oo la kulmay Maamulka degmada iyo kan Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug.

Maanta oo Talaado ah ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu la kulmo Odayaasha iyo Waxgaradka Magalada Gaalkacyo, iyaga oo kala hadli doona tabashada ay ka qabaan dowladda Federaalka iyo dhismaha Galmudug mideysan.

Shalay ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu tegay Magalada Cadaado si uu ula kulmo Odayaasha Dhaqanka Cadaado,hayeeshee la sheegay inay diideen inay la kulmeen,iyaga oo sheegay in uu balamo hore uga baxay.

Balse waxaan weli la ogaan Karin in Odayaasha Dhaqanka Magalada Gaalkacyo ay dhankooda Ra’iisul Wasaaraha la kulmi doonaan,waxaana Warar soo baxayay ay sheegayeen in Odayaasha Dhaqanka Gaalkacyo ay shuruud uga dhigeen la kulanka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in uu ka warsugo kulan 10-k Bishaan ay Gaalkacyo ku yeelanayaan Odayaasha & Waxgaradka Gobolka Mudug.

Xaalada Maamulka Galmuudg ayaa weli waxaa ay u muuqataa mid aan hagaagin,waxaana jira tabashooyin ay qabaan Beelaha qaar ee dega deegaanada Galmudug,waxaase xusid mudan in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku guuleystay in Ciidamadii Ahlusunna la qarameeyo kuna biiraan kuwa dowladda Soomaaliya.