Kheyre Oo isbitaalka Xooga Dalka ku booqday Ciidamo Soo dhaawacmay

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kormeer ku sameeyey Cisbitaalka xoogga Dalka,halkaas oo daryeel caafimaad oo heer sare ah loogu sameeyay Ciidamada dowladda ee kusoo dhaawacmay dagaalada ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka.

Maamulka Cisbitaalka Xoogga dalka ayuu Ra’iisul Wasaare khayre ka dhageystay Warbixino ku saabsan hannaanka uu u shaqeeyo Cisbitaalka Iyo qalabka ay Adeegsadaan, iyaga oo sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashada uu ugu yimid Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Caafimaad u rajeeyay askarta kusoo dhaawacantay dagaalo ay Al-Shabaab kula galeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka qaarkood.