Kheyre oo kulamo laqaatay Dhalinyarada Magalada Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug kulan kula yeeshay qaar kamid ah dhallinyarada magaalada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo su’aalo ay waydiiyeen dhallinyarada uga jawaabay ayaa sheegay in ay muuqato yadadiilo Soomaalinno, ay jirto fursaddii ugu wanaagsanayd ee lagu dhisi lahaa Galmudug, ayna muhiim tahay in dhallinyaradu ay qaybta ugu wayn ka qaadato dib-u-dhiska Galmudug midaysan, toosan, tayaysan, hufan oo bulshada u adeegta kana qayb qaadata horumarka dalka.

Dhallinyarada ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay dadaalka hagar la’aaneed ee uu gelinayo ka guul gaaridda dib-u-dhiska dowlad gobaleedka Galmudug, waxa ayna ballan qaadeen in ay qaybta kaga aadan ka qaadanayaan dib-u-dhiska hay’adaha dowlad gobaleedka Galmudug iyo ka mira dhalinta gogosha dib-u-heshiisiinta ee la dhigayo Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale dhallinyarada u sheegay in dalka Soomaaliyeed uu u baahanay dhallinyaro ka fakarta mustaqbalka fog, abaabulan, midaysan, ka madax bannaan dano gaar ah iyo khilaaf, la shaqeeya dowladda lana xisaabtama kuna haga wadada saxda ah, isuna diyaariya la wareegidda awoodda dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug joogay waxa uu weday kulamo wadatashi ah oo uu la yeelanayay bulshada qaybaheeda kala duwan.