Kheyre Oo lakulmay Xildhibanada Laga soo doortay Deeganada Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa Maanta waxaa uu Xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka ee laga soo doortay deegaannada Galmudug,isla markaana ku jira Xisbiga Midowga iyo horumarka ee UPD ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen dhismaha Dowlad Goboleedka  Galmudug loo dhan yahay, Geedi-socod iyo hanaan daahfuran In loo loo maro dhismaha Maamulkaas,sida uu sheegay in Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kulankaasi ka qeyb-galay.

Xildhibaannada kulanka ka qeyb-galay ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxaa ay ku bogaadiyeen hawsha uu hormuudka ka yahay  Ra’iisul Wasaare Khayre ee xoogga lagu saarayey gogol u xaarka dhismaha Galmudugta cusub ee doorashadeedu ay ka dhacayso Caasimadda Galmudug ee Magalada Dhuusamareeb.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya   iyo Xildhibaannada ayaa waxaa ay  ku heshiiyeen dhismaha Galmduug loo dhan yahay oo loo maro hanaan cad, oo dhasha hogaan hanan kara hawlaha hortabinta u leh Galmudug xilligan la joogo.