Kheyre Oo tababar u soo xiray Ciidamo Cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrew ayaa Maanta Magalada Muqdisho tababar ugu soo xiray boqolalaal Askari oo sigaar ah oo tababaray.

Ciidamadaan oo boqolaal gaaraya ayaa waxaa ay yihiin kuwo sigaar ah oo tababaray,isla markaana ka mid noqonaya Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya,waxaana uu mudo tababar uga socday Dugsiga tababarka Turki-Som ee Magalada Muqdisho.

Munaasabada tababarka loogu soo xireyey ciidamada ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga ,Taliyaha Xoogga  iyo Duqa Muqdisho.