Khilaaf ka dhex taagan Suuriya iyo Turkiga

Warbaahinta Suuriya ayaa sheegtay in xoogaga taabacsan dowladda Suuriya ay ka hortagi doonaan dagaalka dowladda Turkiga ay ka wado waqooyiga Suuriya

Arrinkan ayaa imanaysa ka dib markii ay xoogaga Kurdiyiinta Suuriya sheegeen in xukuumada Dimishiq ay isla ogolaadeen in halkaasi ciidamo loo diro.

Dowladda Turkiga ayaa xuduuda gobolka Afrin dagaalo ka bilowday bishii la soo dhaafay ee sanadkan

Madaxweynaha Turkiga oo arrinkan kala hadlay dowladda Ruushka ayaa sheegay in Dimishiq ay cawaaqib xun kala kulmi doonto haddii ay Kurdiyiinta heshiis la gallaan

Dhinaca kale xoogaga dowladda Suuriya taageersan ayaa lagu soo waramayaa inay u diyaargaroobayaan dagaal dhulka ah oo ay ku qaadaan Bariga magaaladda Ghouta oo duleedka caasimada Dimishiq ku taalla

Ololeeyayaasha Suuriya ayaa sheegaya in tirro dad ah lagu dilay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay weeraro ay dowladdu halkaasi ku qaaday.

Weeraradan ayaa la sheegayaa inay ahaayeen kuwo si aad ah loogu dhamaaday tan iyo intii dowladda Suuriya ay bilowday dagaalka ay ku doonayso inay dib ugu qabsato deeganadaasi

Sarkaal Kurdiyiinta u hadlay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ciidamada dowlada Suuriya la gaynayo goobo xuduuda .