Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Guddoonka Golaha Shacabka & Mahad Cawad Oo U Soo Jawaabay Gudoomiye C/Wali Muudey

Gelinkii dambe ee Maanta ayay aheyd markii gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya  Cabduweli Ibarahim Muudeey uu soo saaray warqad oo ku shaacinayey waqtiga uu dhacayo kulanka codka loogu qaadayo mooshinka gudoomiye Jawaari kaas oo loo asteeyey 31-Maarso.

Caawa ayaa Warqad jawaab u ah gudoomiye Muudeey waxaa soo saaray gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdala Cawad,isaga oo sheegay in uusan Muudey Go’aamin Karin waqtiga kulankacod u qaadista mooshinka Jawaari,isla markaana uusan aheyn ku simaha gudoomiyaha.

Warka qoraalka ah ee uu Caawa soo saaray Mahad Cadala Cawad ayaa waxaa lagu sheegay in Qoraalkii ka soo baxay Gudoomiye Muudeey uusan aheyn mid ka soo baxay Gudoonka Golaha Shacabka Soomaaliya.

Sidoo kale lagu yiri in Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu weli yahay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Hoos Ka Akhriso Warqada uu horay u soo saaray gudoomiye Muudeey iyo laba Warqad oo jawaab u ah oo uu Caawa soo saaray Mahad Cabdala Cawad oo ah gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Â