Khilaafka U Dhaxeeya Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Sii Xoogeystay

Waxaasii xoogeysanaya khilaafka u dhaxeeya Golaha Shacabka Soomaaliya kuwaas oo ku kala qeyb samay mooshinkii laga gudbiyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa socday kulamo gooni gooni ah oo ay leeyihiin Xildhibaanadii mooshinka gudbiyey iyo kuwa taagersan Gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,kulamadaas oo sii kala fogeeyey Xildhibaanada.

Xalay Muqdisho waxa kulan ku yeeshay xildhibaano sheegay in ay gaarayaan ilaa 120 Mudane,waxa ayna soo saareen lix qodob oo uu ka mid yahay in uu bur buray mooshinkii laga gudbiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa iyana waxa ay waxba kama jiraan ku tilmaamtay Go’aankii ay xalay soo saareen xildhibaaanada la magac baxay gudiga badbaadada Baarlaamanaka ee ahaa in uu bur buray mooshinkii Jawaari.

“Waxaan u arkaa horay u soco dib u soco maxaa daal la kororsaday jahwareerka ayay ka mid tahay iyo marin habaabinta shuruucda dalka u yaallo lagu samayen doono,waxana kuu sheegayaa in sharciga uu cid walba ka sareeyo,balse waxaa iigu yaab badan xildhibaanka dhahaya mooshinka daqiiqad ayuu ku jabay isana sidee ayuu Xildhibaan ku yahay ayay tiri xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye”

Sikastaba Maalinba maalinta ka dambeysa waxaa sii xoogeysanaya khilaafka hareeyey Gudiyada Fulinta iyo Sharcidejinta dalka,iyada oo Maalinta Sabtida ah lagu balansan yahay in laga doodo mooshinka ka yaalla Gudoomiye Jawaari,wallow xildhibaano  kale ay ka soo horjeedaan,isla markana ay sheegeen in uu mooshinkii jabay.