khudbad jeedinta Musharixiinta Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Maanta Bilaabaneysa

Maanta oo Arbaco ah ayaa la filayaa in ay bilaawdaan khudbadaha musharixiinta u taagan qabashada xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka kuwaas oo diiwaan gelintooda shalay lasoo gaba gabeeyey.

Ilaa 11Musharax,isla markaana dhammaantood ka mid ah Xubnaha Golaha Shacabka ayaa la diiwaan geliyay waxaana Maanta la filayaa in Shan ka mid ah musharixiinta ay xildhibaanada kahor jeediyaan waxyaabaha uu qabanayo qofkii guuleysta.

Musharixiinta ayaa khudbadaha waxa ay u jeedin doonaan sidii ay u kala horeeyeen, waxaana ka mid ah musharixiinta Maanta khudbadaha jeedin doona.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarrow

Xildhiban Sheekh Cali Sheekh Maxamed

Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen)

Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).

Maalinta Berito ah ayaa lasoo gaba gabeyn doonaa hadal jeedinta musharixiinta, iyada oo maalinta Isniinta ah ay dhici doonto doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.