Kiisas Cusub Oo Caronavirus Oo laga helay Jigjiga

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay natiijada dad laga baaray Cudurka Coronavirus,kuwaas oo qaarkood laga helay inay qabaan Cudurkaas.

Wasaaradda waxaa ay sheegtay in dadkii looga shakisnaa Cudurka ee la baaray 5 kamid ah laga helay Cudurka,kuwaas oo la geeyey Xarun lagu karantiilayo oo ku taalla Magaalada jigjiga.

Dadka Cudurka laga helay oo dhamaantood ku sugan Magaalada jigjiga ee Xarunta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa la sheegay in Saddex kamid ah ay dhawaan kasoo laabteen Magaalada Boosaaso ee deegaanada Maamulka Puntland mid ka yimid isla deegaano kamid ah dowlad deegaanka iyo qof ka yimid Sacuudiga.

Waa markii labaad oo dad ka tegay Magaalada Boosaaso,isla markaana dib ugu laabtay Magaalada Jigjiga laga helo Cudurka Coronavirus,waxaana taasi ay walaac ku abuurtay dadka ku nool Magaalada Boosaaso.