Koofur galbeed Oo amaro Ku Soo rogtay Ciidamada Dowlada Oo ku Sugan Beydhabo

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa amar ku bixiyay in dhammaan Ciidanka xoogga dalka ay ka baxaan Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in Ciidanka laga doonaayo in ay taggan saldhigyadda ay ku leeyihiin duleedka Magaalada iyo sidoo kale furaha dagaalka, islamarkaana Askari Milatari oo hubeysan aan lagu dhex arki karin Magaalada Baydhabo.

Waxa uu sheegay in Ciidanka Milatariga ay ka qeyb qaateen dilkii shalay Magaalada Baydhabo beer ku taalla loogu geystay dad Shacab ah oo uu ka mid ahaa ganacsade si weyn looga yaqaanay Baydhabo oo Cali Marguus lagu Magacaabo.

Saraakiisha Ciidanka ayuu ku amray in ay soo qabtaan Askartii dilka ka dambeysay, islamarkaana sidda ugu dhaqsiyaha badan Maxkamad loo horkeeno.

Magaalada Baydhabo ayaa wali waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay dilalkii shalay ka dhacay Magaalada, waxaana heegan la galiyay Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed.