Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa kordhisay Ciidanka loogu talagalay in Magaalada Baydhabo oo xarun kumeel-gaar ah u ah ka ilaaliyaan weerarrada ‘AS’ ay ku beegsato Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud, xeendaabka Madaxtooyada & Saldhigyada ciidanka.
Duleedka Magaalada Baydhabo waxaa la dejiyay Ciidamo katirsan Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed si ay uga hortagaan weerarrada ‘AS’ ee ka dhanka ah xarunta Gobolka Baay.
Taliyaha ciidanka Daraawiishta DG Koofur Galbeed Gaashaanle Sare Isaaq Cali Isaaq Maadey, kan Booliiska iyo Saraakiil kale oo tagay qaar kamid ah saldhigyada cusub ee Ciidankaas ka sameysteen Duleedka Magaalada Baydhabo ayaa ciidanka ku dhiirrageliyay adkeynta amniga.
Dhowr jeer waxaa Magaalada Baydhabo ku dhacay Hoobiyeyaal lagu tuuray Magaaladaas waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray Dad Rayid ah iyo ciidamo isugu jira kuwa Daraawiishta DG Koofur Galbeed & kuwa Itoobiya.