Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in Afar kamid ah degmooyinka Koonfur Galbeed ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab, sidoo kalena weli caqabado amni darro ay ku hayaan degmooyinka koonfur Galbeed.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed in ay waajib tahay in siwadajir ah looga howlgallo in la isku furo wadooyinka degaannada iyo degmooyinka Maamulka Koonfur Galbeed.
Hadalka  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftaagreen) ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Al-Shabaab ay mararka qaar dilal qorsheysan, qaarxyo iyo weeraro ay ka fuliyaan degmooyin ka tirsan Saddexda gobo lee Koonfur Galbeed.