Koonfur Afrika Oo Sheegtay in Ay Somaaliya Kacaawin doonto tababarada Ciidanka

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Calaamiga ee DFS, Axmed Ciise Cawad ayaa hadalkaasi sheegay, kadib, markii uu dhigiisa dalka Koonfurta Afrika, Naledi Pandor uu isbuucii hore kula kulantay caasimadda dalka Shiinaha ee Pejing.

Wasiirka waxa uu tilmaamay inay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Labada Waddan, isla markaana ay isku af-garteen Ajendayaashii ay ka wadaxaajoodeen.

Sidoo kale, Wasiir Cawad waxa uu carrabka ku dhuftay inay Dowladda Koonfurta Afrika ballan qaaday inay taageero ka geysan doonaan dhismaha qaar ka mid ah Hay’addaha DFS, isla markaana ay taageero Farsamo iyo Tababar siin doonaan dalka Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Kulanka dhex maray Wasiir Cawad iyo dhigiisa dhigiisa dalka Koonfurta Afrika, Naledi Pandor ayaan la ogeyn in lagu lafa-guray Tacadiyadda  dilalka iyo dhaca ee loo geysto  Muwaadiniinta Soomaalida ee ku nool dalkaasi.