Koonfur Galbeed oo faah faahin kabixisay xubno katirsan Al-shabaab oo ay dileen

Mas’uuliyiinta maamulka koonfur Galbeed ayaa Risaala u sheegay in ciidamada Ammaanka maamulkaasi howlgal ay ka fuliyeen gobolka Bay in ay ku dileen dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Sidda uu warbaahinta  u sheegay Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Gacma Ciidamada ayaa dilay Gudoomiyihii Al-Shabaab ugu Magacownaa degaanka U furow ee gobolka Bay.

Afhayeenka waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay jiraan shaqsiyaad kale oo ka tirsan Shabaab oo ay dileen Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Saacaddihii lasoo dhaafay.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ay dhawaan bilaabi doonaan howlgallo lagu furayo wadooyinka xiran ee maamulka Koonfur Galbeed.