Koox hubeysan oo Nin ku dishay Degmada Waaberi

Dabley hubaysan ayaa goor dhaw waxa ay dil ka gaysteen Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, waxaana ay dileen nin ka mid ah Shaqaalaha Hormuud sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Ninka la dilay ayaa wuxuu ka shaqeynaayay laanta Hormuud ee Buundada agteeda, waxayna ugu galeen gudaha xarunta, iyadoo xilligaasi ay ku jireen laba ka mid ah Shaqaalaha xaruntan Hormuud.

Ninka la dilay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Saleebaan, wuxuuna Duhurkii Salaada ku soo dukaday masaajid aanan ka fogeyn xarunta.

Illaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo gaystay ninkaan ka shaqeynaayay Xarunta Hormuud ee Degmada Waaberi.

Ciidamada NISA ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxaana meeshaasi yaala maydka marxuumka la dilay, iyadoo uu socdo baaritaano.

Kooxaha dilka gaystay ayaa watay gaari nooca raaxada ah oo ay ku baxsadeen markii dilka ay gaysteen.