Magaalada Boosaaso, xarunta ganacsiga iyo dekedda Puntland, ayaa maanta waxaa soo gaaray koox siyaasiyiin ah oo uu hoggaaminayo Sanatar Maxamuud Mashruuc, Wasiiru-dowlihii hore ee Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta. Safarkan ayaa waxaa ku wehliya siyaasiyiin kale oo ka mid ah madaxda hore ee Puntland, oo ay ku jiraan Siyaasi Faarax Cali Shire, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka iyo siyaasadda gobolka.
Safarkan ayaa la filayaa in uu ka kooban yahay kulamo muhiim ah oo ay la yeeshaan madaxda deegaanka, bulshada rayidka ah, iyo qaybaha kale ee muhiimka ah ee gobolka, iyada oo looga wada hadli doono arrimo siyaasadeed, horumarineed, iyo mustaqbalka dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee magaalada Boosaaso iyo guud ahaan Puntland.
Sanatar Maxamuud Mashruuc iyo kooxda ku weheliya ayaa sidoo kale qorsheynaya in ay la yeeshaan la-tashiyo iyo is-dhaafsiyo fikrado ku saabsan horumarinta deegaannada, iyadoo la xoogga saarayo xoojinta wada-shaqeynta bulshada, maamulka, iyo qeybaha kale ee horumarineed.
Safarkan ayaa loo arkaa mid muhiim ah, maadaama uu ka tarjumayo hogaaminta firfircoonida siyaasiyiinta Puntland, iyo sida ay uga go’an tahay la shaqeynta bulshada iyo maamulka si loo gaaro horumar waara.