Kooxda Al-Shabaab oo gubay gaari u socdey magaalada Jowhar

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar dhabogal ah oo ay maanta maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay waddada u galeen gaari xamuul ah oo kusii jeeday magaalada Jowhar, waxayna qabadsiiyeen dab, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Gaariga ayaa lasoo wariyay inay Al-Shabaab ku tuhmeen inuu qalab u siday maamulka HirShabelle, waxayna ku gubeen agagaarka deegaanka Gololey ee Shabeelaha Dhexe.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo mas’uuliyiinta HirShabelle oo ku aadan weerarkaas baabuurka xamuulka ah lagu gubay.

Maalmo kahor ayay ahayd markii ay sidaan oo kale ay Al-Shabaab u gubeen 4 gaari oo ku sii jeeday Jowhar, kuwaas oo siday agab kala duwan.

Sidoo kale waxaa sii dheer weeraro toos ah oo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab kusoo qaadaan degmada Balcad iyo saldhigyada ciidamada ee ku yaalla halkaasi.