Kooxda Barcelona Oo Aan Suuragal U Noqon Karin Inay Lasoo Saxiixato Weeraryahanka Reer France Ee Antoine Griezmann Ilaa Iyo Hal Arin Mooyee.

Barcelona ayaa bilowday inay ka fikirto heshiisyada ay lasoo saxiixaneyso xagaaga soo aadan ka dib markii ay ku guuleysteen suuqii bisha January ee lasoo dhaafay inay soo gaba gabeyso saxiixii ay in mudo ah raacdada ugu jirtay ee xidiga reer Brazil iyo kooxda Liverpool Philippe Coutinho iyo difaaca reer Colombia Yerry Mina.

Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa weli u ah muhiim kooxda Barcelona inta lagu gudi jiro suuqa kala iibsiga ee furmi doono dhamaadka xili ciyaareedkan, laakiin heshiiska ayaan dhameystirmi doonin ilaa iyo hal xaalad mooyee, waa sida laga soo xiganayo wargeyska caanka ee reer Spain ee “Marca”.

 

Sida laga soo xigtay wargeyska “Marca” ee kasoo baxa magaalada Madrid Barcelona ayaa bixin doonta aduun dhan 100 milyan euro si ay ula soo saxiixato Antoine Griezmann xagaaga soo aadan, laakiin waxay ku qasban tahay Barca inay fasaxdo qaar ka mid ah ciyaartoydeeda si uu u dhameystirmo heshiiskan, si aysan u saameen ugu yeelan kobaca dhaqaalaha ee kooxdeeda.

Barca ayaa ku qasbanaan doonta inay iibiso ugu yaraan seddex ciyaaryahan ee ka tirsan safka kooxdeeda si ay u maalgeliso heshiiska Griezmann, kooxda ayaana weli go’aan ka gaarin ciyaartoyda ay dooneyso inay ka sifeyso garoonka Cump Nou xilli ciyaareedka soo socda.

Atletico ayaa xagaagii lasoo dhaafay si xoogan kaga dagaalantay in Antoine Griezmann uu ka hoos ciyaaro kooxda Manchester United, waxayna sare u qaaday qiimaha lagu kansali karo heshiiska uu ku joogo kooxdeeda iyadoo ay ka dhigtay aduun dhan 200 million euros, islamarkaana mushaharkiisa ayaa la gaarsiiyay 15 milyan euro.

Laakiin qandaraaska Antoine Griezmann ayaa si toos ah hoos loogu dhimi karaa 100 milyan oo ginni suuqa kala iibsiga ee soo aadan. Waana qiimo macquul ka ah dhanka kooxda Blaugrana, marka lala barbar dhigo qiimaha waalida ah ee hada ka jira suuqyada kala iibsiga.