Kooxda Daacish Oo Sheegatay Dilka Dhacay Muqdisho

Dilka ayaa shalay  waxa uu ka dhacay isgoyska Siinaay ee degmada Wardhiigleey halkaas oo dableey hubeysan ay ku dileen wiil Dhallinyaro ahaa, kuwaas oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

War kasoo baxay kooxda Daacish ayaa lagu sheegay in shaqsiga ay dileen uu ka tirsanaa sirdoonka Somalia.

Daacish ayaanan sheegin shaqsiga ay dileen magiciisa marka laga soo tago inay sheegteen inuu ka tirsanaa Sirdoonka Somalia mana jiraan ilo ka madax banaan oo xaqiijin kara in wiilka dhallinyarada ah ee ay Daacish dishay uu ka tirsanaa Sirdoonka Dowladda.

Kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ayaa Muqdisho iyo agagaareheeda ku ku dila cid walbo oo ay uga shakiyaan inay gacan saar laleedahay Dowladda Somalia.