Kooxda Daacish Oo Sheegatay Qarax Lagu Dilay Askar Ka Tirsan Kuwa DFS

Maleeshiyadda Kooxda Isku magacowda Dowladda Islaamka ee Daacish ayaa sheegatay inay ugu yaraan 4 Askari ku dileen Qarixii Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay Degmadda Dayniile ee magaalladda Muqdisho.

Shabakadda Wararka u faafisa Kooxda Daacish ee AMAQ NEWS ayaa qortay inay Ciiddankodoa weerar ka geysteen Caasimadda Somalia, isla markaana ay ku dileen ugu yaraan 4 Askari, kuna dhaawaceen mid kale, waa sida ay sheegteen Kooxdaasi.

Dhinaca kale, Saraakiisha Ciiddanka DFS weli kama hadlin sheegashadda Kooxda Daacish inay ka dambeeyeen qarixii ka dhacay Dayniile.

Bishan 5-dii ayey ahayd, markii ay Daacish soo bandhigeen Muuqaal Video oo ay ku sheegeen inay Askari ku dileen Suuqa Bakaaraha ee magaalladda Muqdisho.

Inta badan Maleeshiyadda Kooxda Daacish waxay dilalkooda ka duubaan Muuqaal, oo ay ku soo bandhigaan Shabakadda Wararka Daacish ee AMAQ NEWS.