Kooxdii Ugu Horeesay Uu Kaga Hor Yimid UCL, Goolka Uu Ugu Jecel Yahay Tartankan, In Booskiisii Uu Badashay Iyo Lionel Messi Oo Dhowr Arimood Kale Ka Hadlay

Xidiga reer Argantina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa wuxuu xaqiijiyay inkastoo uu isbadalay booqskiisa uu kaga ciyaari jiray gudaha garoonka, hadana wuxuu sheegay in ujeedkiisa koowaad ee gudaha garoonka uusan waxba iska badali doonin.

Ernesto Valverde ayaa xili ciyaareedkan dhigay Lionel Messi boos uu kubada meel qoto dheer kaga keeni karo si uu horey ugu dhaqaajiyo, halka uu kubada kaga heli lahaa afaafka hore ee goolka, wuxuun hadalkan imaanayaa kadib markii uu laacibka reer Argantina uu wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay wargeyska “Marca” ee dalka Spain.

 

Lionel Messi ayaa wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaaway: “Booska aan haatan kaga ciyaaro Barcelona ee ku aadan gudaha garoonka ayaa wuxuu dhawaan noqday in aan gadaal u laabto, si aan kubada meel qoto dheer ee gadaale aan kaga soo kaxeeyo, waana qaab ka duwan sanooyinkii lasoo dhaafay maadaama aan in badan ka ciyaari jiray qeybta hore ee weerarka, laakiin gool dhalinteyda wali waa muhiim waana ay tagan tahay”.

Dhinaca kale Lionel Messi ayaa wuxuu ka warbixiyay goolka uu ugu jecel yahay goolashiisa tartanka Champions League-ka, wuxuunaa xaqiijiyay inay jiraan goolal fara badan uu dhaliyay isla markaana uu door bidayo, sida labadii gool uu ka dhaliyay Man United finaladii tartankan ee sanadihii 2009 iyo 2011, iyo goolkii uu Real Madrid uu kaga semi-finalka tartankan sanadii 2011.

Ugu horeyn Messi ayaa wuxuu ka hadlayay xusuustiisa ugu horeesay ee Champions League wuxuuna yidhi: “Kulankaygii ugu horeeyay ee Champions League wuxuu ahaa kulan aan ka hor nimid kooxda Shakhtar Donetsk ee dalka Ukraine, sababtoo ah waxaa kulanka qeyb ka ahaa ciyaartoy fara badan ee da’ayarta ah maadaama ay Barcelona xaqiijisay in ay soo baxdo”.

Lionel Messi ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Waxaan la ciyaarnay koox weyn waana guuldareesanay, laakiin dareenka aan ku ciyaarnay kulankii ugu horeeyay ee Champions League-ga ayaa wuxuu ahaa mid aad u wanaagsan”.