Kooxo Hubeeysan Oo Weerar Kuqaaday Gobolka Waqooyi Bari Kenya

Rag hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii weerar khasaare dhaliyay waxa ay ku qaadeen degaan ka tirsan Magaalada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Raggan ayaa weerarkooda waxay ay la eegteen Shaqaale Kenyaati ah oo ka shaqeynayay Cara Kaawada, xilligaasina saarnaa gaari iska roge ah oo rar caro ah waday.

Weerarkan oo si gaar ah uga dhacay degaanka Shimbir Faatuma ayaa Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya oo soo xiganaya Madaxa Amniga Gobolka wuxuu sheegay in weerarka lagu dilay laba ka mid ah shaqaalaha.

Sidoo kale Wargeyska ayaa waxa uu sheegay goobta uu weerarka ka dhacay in loo diray tiro ka mid ah Ciidanka ammaanka, kuwaasi oo baadi goobaya Dableyda falkan ka dambeysay.

Bishii December 2014-kii weerar midkan la mid ah oo Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya lagula eegtay Shaqaale ka shaqeynayay Cara Kaawada ayaa waxaa lagu dilay 36 qof.

Macalimiinta Sare iyo kuwa Hoose ee wax ka dhigeysay Iskuulada Gobolka ayaa dhawaan ku dhawaaqay shaqo joojin, kadib markii ay kordheen weerarada Shabaab ay la beegsanayaan Macalimiinta.

Dowladda Kenya gaar ahaan laamaheeda ammaanka ayaa sheegay in ay hoos u dhaceen weerarada Shabaab, maadaama Ciidamada Booliska bishii ina dhaaftay ay gacanta ku soo dhigeen rag gacan saar lala lahaa ururka Al-shabaab.