Kooxo hubeysan Oo dil kageystay Magaalada Bosaaso

Kooxo hubaysan ayaa xalay fiidkii Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari waxa ay ku dileen nin ganacsade ahaa, kaasi oo ka soo baxay masaajid uu Salaadii Cishaha ku soo dukaday.

Ninka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaash, sida dadka deegaanka  ay warbaahinta  u xaqiijiyeen, waxaana goobtaasi ka baxsaday dableydii dilka gaysatay.

Salaad oo xisaabiye u ahaa shirkad ganacsi oo lagu magacaabo Horseed ayaa lagu dilay xaafadda Raf & Raaxo ee magaalada Boosaaso gaar ahaanna nawaaxiga masjidka Cali Bin Abu-Daalib oo uu salaadda ka soo baxay.

Illaa hadda lama garanaayo sababta loo dilay ninkaasi ganacsadaha ah, balse muddooyinkii dambe dilalka loo gaysanaayo dadka ganacsatada ayaa ku soo badanaya Magaaladaasi.

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa Boosaaso waxa ay ka wadaan hawlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayo.