Kooxo hubeysan Oo Dil kageystay Suuqa Bakaaraha

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Goordhow waxa ay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku dileen Nin la sheegay in uu ahaa Ganacsade.

Dilka ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay qeybta  loo yaqaano Cabdala Shideeyaha ee Suuqa Bakaaraha,isla markaana rag hubeysan ay toogteen Ganacsadaha xili uu halkaasi ku sugnaa.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in Ninka la dilay uu la ahaa goob lagu farsameyo Makiinadaha lagu shiido khudaarta,iyadoo ragii ka dambeeyay falkaasi goobta ay si deg deg ah uga baxasdeen.

Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa marar qaar ka dhaca dilal qorsheyn,kuwasi oo Mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab