Kooxo Hubeysan oo Haweenay qaad iibinaysay iyo askari ku dilay Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Baar Ubax ee degmada Howlwadaag ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Haweenay Qaad iibinaysay iyo Askari.

Sidda ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadka degaanka dilka ayaa waxaa geystay Kooxo hubeysan.

Sidda ay sheegeen dadka degaanka haweenayda waxa ay ku dhimatay rasaas dhexmartay Kooxo hubeysan iyo Askariga geeriyooday.

 Haweeneyda la dilay ayaa la sheegay in ay Qaad ku iibin jirtay Isgoyska Baar ubax ee Muqdisho.