Kooxo hubeysan Oo Wiil Dhalin yaro Ah kudilay Magaalada Muqdisho, Kadibna lasheegay in ay Muqaal kaduubeen Meydkiisa

 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil gelinkii dambe ee maanta Suuqa Bakaaraha gaar ahaan halka loo yaqaano Cabdalla Shideeye ay rag hubeysan ugu geysteen wiil dhalinyaro ah, kadibna ay muuqaal kooban ka duubeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay ragga hubaysan markii ay dilka gaysteen kadib muuqaal inay ka duubeen maydka marxuumka, taasi oo dadkii arkaayay argagax ku noqotay.

Ragga dilka gaystay ayaa tiradooda waxa ay aheyd Saddex ruux, ninka dilka fuliyay ayaa wuxuu ahaa nin wayn sida dadkii arkaayay ay ku waramayaan.

Sidoo dadka goobjoogayaasha ah ayaa waxa ay inoo sheegeen wiilka la dilay in gacanta uu naafo ka ahaa, kaasi oo si weyn looga garanayay Cabdalla Shideeye.

“Walaal mar qura ayaan ka war helnay wiilka oo rasaas ay ku socoto, kadibna Mobile-ka gacanta ayaa looga duubay muuqaal, nimanka dilka geystay Saddex ayay ahaayeen, wayna baxsadeen, mana jirin ciidan ka daba tagay.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka goobjoogayaasha ah.

Maalmo kahor ayaa baraha bulshada waxaa aad loogu hadal hayay muuqaal kooban oo muujinaya nin dil u geysanaya nin kale oo saarnaa gaari caasi ah, wixii xilligaasi ka dambeeyay waxaa jiray dareen argagax leh, maadaama ay Soomaaliya ku cusubtay in dil la geysto, hadana qofka laga duubo muuqaal.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilka loogu geystay Suuqa Bakaaraha wiilkan dhalinyarada ahaa, balse dilalka nuucaan oo kale ah waxaa la sheegaa in ay geystaan Kooxda Daacish.