Warbixin sanadle ah oo kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in wax soo saarka guud ee gudaha Soomaaliya (GDP) uu kordhay 4.2% sannadkii la soo dhaafay ee 2023. Tani waxay muujinaysaa horumar la taaban karo oo xagga tirakoobka ah, balse marka la eego nolosha dhabta ah ee shacabka, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Muqdisho, aragtidu waxay u muuqataa mid aad uga duwan.
Inkasta oo warbixintaasi ay tilmaamayso koboc dhaqaale, haddana dad badan oo Soomaaliyeed ayaa la daalaa dhacaya dhaqaale xumo, shaqo la’aan iyo sicir barar, taas oo abuurtay dood adag oo u dhaxaysa shacabka iyo madaxda dalka.
Madaxweynaha: Dhaqaaluhu Wuu Kacay, Cabashaduna Waa Been Abuur
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 9-kii Agoosto 2024, khudbad uu ka jeediyey masjidka Madaxtooyada ku sheegay in dhaqaalaha dalka uu sare u kacay 50% marka loo eego sannadihii hore. Wuxuu intaas ku daray in cabashada laga muujinayo shaqo la’aanta iyo shiidka ay tahay:
“Been iyo borobagaando ay suuqa soo geliyeen dadkii horay ula shaqayn jiray Khawaarijta.”
Hadalkaasi wuxuu dhalinaya su’aalo badan oo la xiriira sida ay dhab ahaantii xaaladdu tahay gudaha dalka.
Shacabka: “Shiidka Wuu Jiraa, Dhaqaaluhu Maaha Mid Koraya”
Si aan u ogaano dareenka dhabta ah ee shacabka, Bilan Media waxay wareysatay dhallinyaro iyo dad shaqeeya si maalinle ah, kuwaas oo intooda badan muujiyey in aysan la jaanqaadi karin sheegashada dowladda.
Dr. Xasan, oo ka mid ah dadka aqoonta leh ee magaalada Muqdisho, ayaa yiri:
“Shiidka wuu jiraa. Soomaaliya xilliyadan oo kale dhaqaalahoodu wuu liitaa. Sanadba sanadka ka dambeeya, waxaa muuqata hoos u dhac. Qaasatan dhallinyarada ayuu si xun u saameeyey.”
Shukri Faarax, oo ka mid ah dhallinyarada magaalada, waxay sheegtay:
“Aniga si toos ah ayuu dhaqaaluhu ii saameeyey. Dhallinyarada intooda badan shaqo ma heystaan, fursado la heli karo ma jiraan. Taasina waxay keenaysaa ciriiri dhaqaale.”
Aadan Macallin, oo ka mid ah dadka muruqmaalka ah ee Muqdisho, ayaa ku daray:
“Maalmahan danbe shiidka waa uu batay. Shaqo la qabto ma jirto, dadkii shaqaalaha u baahnaa waxba ma hayaan. Shiidku dadka wuxuu ka dhigay dad siman oo aan waxba is dhaamin.”
Gunaanad
Inkasta oo ay jiraan tiro-koobyo muujinaya koboc dhaqaalaha dalka, haddana shacabka badankiisa gaar ahaan dhalinyarada iyo dadka danyarta ah ayaa ka cabanaya duruufo adag oo nololeed. Waxaa muuqata in ay jirto kala fogaansho u dhaxaysa hadalka dowladda iyo xaqiiqada ka jirta suuqyada iyo xaafadaha Muqdisho.

Wariye: Kiin Hasan Fakat
Warbaahinta: Bilan Media