Ku Celiskii Paris, Finaladii Cardiff & Amsterdam, Kulankii Turin Ee Nedved & Shan Kulan Oo Lagu Sheego Kuwii Ugu Xusuusta Badnaa Kulamada Juve vs Real.

Juventus iyo Real Madrid ayaa kulmaya markii 20-aad taariikhdooda, waana laba ka mid ah kooxaha kulamada ugu badan isku arkay koobka yurub, sidaas darteed UEFA ayaa soo xulatay shantii kulan ee ugu xusuusta badnaa ee laga diiwaan galiyo kulamada labadaan kooxood.

Markii ugu dambeysay oo ay labadaan kooxood is arkaan waxey bartamahii sanadkii lasoo dhaafay isku qaabileen Cardiff, ciyaar aheyd final-ka tartanka markaas oo ay Real Madrid 4-1 ku qaaday koobkeedii 12-aad ee horyaalada yurub.

19-jeer ayey labada kooxood horay u ciyaareen, Los Blancos waxey guul gaartay 9-jeer, halka Juventus ay guul heshay 8-jeer, labada jeer ee soo hartayna waxey galeen barbaro, min 22-goolna waa isk dhaliyeen.

Haddaba aan fiirino kulamadii ugu xusuusta badnaa:


1961/62 European Champion Clubs’ Cup quarter-finals

Juventus 0-1 Real Madrid

Real Madrid 0-1 Juventus

Real Madrid 3-1 Juventus (ku celis Paris)

 

Kulankaan wuxuu ahaa markii ugu horeysay oo ay labadaan kooxood is arkaan iyo markii ugu dambeysay oo ay Real Madrid kusoo adkaato ciidda talyaaniga iyadoo la ciyaareysa Binaconeri.

Alfredo Di Stéfano & Omar Sívori ayaa labada kulan min gool dhaliyay, taasoo qasabtay in kulan isku celis ah lagu ciyaaro magaalada Paris, markaas oo ay Madrid 3-1 ku badisay Felo, Luis del Sol iyo Justo Tejada ayeyna goolasha ka heleen.

2002/03 UEFA Champions League semi-finals

Real Madrid 2-1 Juventus

Juventus 3-1 Real Madrid

 

Los Blancos waxey guul kusoo gaartay gurigeeda kulankii lugta hore iyadoo laba gool ka heshay Carlos iyo Ronald, balse markii la isugu yimid Turin waxey la kulmeen sheeko cajiib badan David Trezeguet, Alessandro Del Piero iyo Pavel Nedvěd sadex gool oo ay dhaliyeen ayaa daaqada ka tuuray Real Madrid iyadoo Zidane uu gool xilli dambe ah u dhaliyay.

1997/98 UEFA Champions League final

Juventus 0-1 Real Madrid

Real Madrid oo muddo 32-sano ah sugeysay iney ku guuleysato Champions League ayaa la kulantay Juventus, waxeyna cad-cadka ku guuleysteen kulan uu goolka qura ee lagu kala baxay dhaliyay Predrag Mijatović’s ciyaar ka dhacday Amsterdam.

 

2014/15 UEFA Champions League semi-finals

Juventus 2-1 Real Madrid

Real Madrid 1-1 Juventus

Waxey aheyd markii ugu dambeysay oo ay Juventus guuldaro bido Real Madrid ciyaar ka tirsan wareegyada bug-baxda kulamada labada kulan, Bianconerri ayaa guul ku gaartay gurigeeda kulan 2-1 ku dhamaaday iyadoo Morata uu labada kulanba shabaqa soo taabtay. Goolkii uu ku dhaliyay Santiago Bernabeu ee barbardhaca ahaa ayaana dilay qalbiga jamaahiirta Los Blancos ee xiligaas. Juve waxey gaartay finalka tartanka balse Barcelona ayey qasaaro kala kulantay kulan ka dhacay Berlin.

2016/17 UEFA Champions League final

Juventus 1-4 Real Madrid

 

Cristiano Ronaldo ayaa bilowgiiba Cardiff hogaanka ugu dhiibay Madrid ka hor inta uusan barbaro keenin Mandzukic kaas oo shabaqa gaarsiiyay gool caaqibo leh. Balse qeybtii labaad ayey Madrid heshay sadex gool oo ay kala dhaliyeen Casemiro,Ronaldo & Asensio. Madrid sidaas waxey ku noqotay kooxdii ugu horeysay ee difaacata Champions League sidii magaca loo bixiyay.