Ku dhawaad Dadgaaraya 70 qof oo ku dhintay dab ka kacay Xabsi ku yaalla Valencia

Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 70 ruux ayaa ku dhimatay ka dib markii uu dab ka kacay xabsi ku yaalla magaalada Valencia ee dalka Venezuela sidda ay sheegeen Mas’uuliyiinta Magaaladaasi.

Dabka ayaa la sheegay in uu Arbacadii billawday ka dib markii ay maxaabiistu dab qabadsiiyeen Xabsiga iyaga oo isku dayaya in ay xabsiga ka baxsadaan.

Qaraabada maxaabiista ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah maxaabiista ay u dhinteen qiiqii oo ay ku neefqabatoobeen.

Tarek Saab oo ah dacwad oogaha gobolka ayaa sheegay in ay si dhakhso ah u billaabi doonaan baaritaannada waxa sababay arrintaas.

Dabka ayaa kusoo aaday xilli ay dalkaasi ay ka socdaan Banaanbaxyo xooggan oo saameyn ku yeeshay qeybaha kala duwan ee Bulshadda.

Booliiska ayaa adeegsaday sunta dadka ka ilmaysiisa si ay ukala eryaan qaraabadii maxaabiista oo isugu yimid agagaarka xabsiga, ka dib markii uu soo baxay warka ku saabsan in uu xabsiga gubanayo.