Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo kormeeray madasha loo diyaariyey in ay ka qabsoonto munaasabadda xil la wareegida G/ gobolka banaadir

Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ibraahim Cumar Mahadale (ibraahim dheere) ayaa kormeer ku sameeyey madasha loo diyaariyey in ay ka qabsoonto munaasabadda xil la wareegidda iyo soo dhaweynta Duqa Cusub ee Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Filish).

Guddoomiye Ibraahin dheere ayaa waxaa uu sheegay in Guddiga ay qabteen Shaqo adeg,isla markaana haatan ay mareyso qaban-qaabada Munaasabada xil la wareegidda Guddoomiye Cumar Finish meel wanaagsan.

“Waxaan kormeer ku sameeyey madasha loo diyaariyey in ay ka qabsoonto munaasabadda xil la wareegidda iyo soo dhaweynta Duqa Cusub ee Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Filish)”ayuu yiri Guddoomiye Ibraahim dheere.

Ugu dambeyntii Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa guddiga uga mahadceliyay hawsha muhiimka ah ay qabteen,kuwaasi oo uu sheegay inay dar-dar geliyeyeen sidii ay u qabsoomi lahayd munaasabad qurux badan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa in lagu qabto Munaasabad uu hogaanka Gobolka Banaadir kula wareegayo Duqa Cusub ee Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Filish).