Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Oo Shir La Yeeshay Guddoomiyayaasha Gobollada Puntland

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Puntland, ayaa shir muhiim ah ku qabtay xafiiskiisa, kaas oo uu la yeeshay guddoomiyayaasha gobollada Puntland si looga arrinsado xaaladaha guud ee maamulka, amniga iyo horumarinta gobollada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray warbixinno la xiriira xaaladaha ugu dambeeyay ee gobollada Puntland, iyadoo guddoomiyeyaashu ay Madaxweyne Ku Xigeenka la wadaageen xog ku saabsan amniga, adeegyada bulshada, horumarinta deegaannada iyo caqabadaha jira. Warbixinahaasi ayaa sidoo kale taabanayay sida ay u socdaan hawlaha maamulka, xiriirka bulshada iyo dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida gobollada.

Intii uu shirku socday, Ilyas Osman Lugatoor ayaa guddoomiyayaasha siiyay dardaaran iyo hoggaan-tusaalayn ku saabsan muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka bulshada iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda, si shacabka loogu adeego si hufan oo wax ku ool ah. Wuxuu sidoo kale ku boorriyay masuuliyiinta gobollada inay adkeeyaan isku xirka laamaha dowladda, sare u qaadaan isla xisaabtanka iyo wada shaqeynta maamulka heer gobol iyo heer dhexe.

Dhanka kale, Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardargelinta hawlqabadyada joogtada ah, maamul daadejinta iyo kor u qaadidda hufnaanta shaqo ee gobollada Puntland, si loo xaqiijiyo adeegyo tayo leh iyo maamul ku dhisan isla xisaabtan iyo waxqabad muuqda.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Puntland, oo ay kamid yihiin Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalaynta, Wasiirudowlaha Madaxtooyada ee Arrimaha Gobolka iyo Federaalka, iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland, kuwaas oo qeyb ka ahaa doodaha iyo qorsheynta la xiriirta maamulka iyo horumarinta gobollada.