Ku-simaha Madaxweynaha Puntland oo Si Rasmi ah u Furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland 2026

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Mudane Ilyas Osman Lugatoor ayaa maanta si rasmi ah u furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland sanadka 2026, kaas oo ay sanadkan u fariisteen 25,221 arday oo isugu jira dugsiyada dhexe iyo sare ee deegaannada Puntland. Munaasabadda furitaanka imtixaanka ayaa ka dhacday magaalada Garowe, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda, bahda waxbarashada iyo maamulka iskuullada.

Ku-simaha Madaxweynaha ayaa munaasabadda furitaanka kaddib ardayda u rajeeyay guul, horumar iyo natiijooyin wanaagsan, isaga oo Alle uga baryay in uu u fududeeyo imtixaanka una sahlo dadaalkii iyo juhdigii ay soo galeen muddadii ay waxbarashada ku jireen. Waxa uu sheegay in ardaydu ay muujiyeen dadaal, dulqaad iyo dhabar adayg intii ay ku jireen safarkooda waxbarasho, taas oo mudan dhiirrigelin iyo bogaadin.

“Waxaan dhammaan ardayda u rajaynayaa guul, horumar iyo natiijo wanaagsan. Ardaydu waxay soo muujiyeen dedaal iyo dhabar adayg muddadii ay kusoo jireen hayaanka waxbarashada, dowladduna waxay xil gaar ah iska saartay sidii ardayda reer Puntland u heli lahaayeen waxbarasho iyo imtixaan mideysan oo tayadiisu sarreyso,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda Puntland ay muhiimad gaar ah siinayso horumarinta waxbarashada, isagoo xusay in shaqooyinka dowliga ah iyo adeegyada bulshada ay si habsami leh u socdaan, isla markaana dowladda ay sii wadayso dadaallada lagu xoojinayo tayada waxbarashada iyo helitaanka fursado waxbarasho oo loo siman yahay.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa bogaadiyay dadaalka ay muujiyeen Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, maamulka dugsiyada, macallimiinta, waalidiinta iyo dhammaan howl-wadeennada ka shaqeeya waxbarashada, isaga oo ku ammaanay doorka ay ku leeyihiin kobcinta aqoonta iyo diyaarinta jiil waxbarasho leh oo mustaqbalka hoggaamin kara horumarka bulshada.

Intii lagu guda jiray furitaanka imtixaanka, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa si toos ah gacantiisa ugu qeybiyay qaar kamid ah waraaqaha imtixaanka shahaadiga ah, isaga oo mar kale ardayda ku dhiirrigeliyay inay muujiyaan kalsooni, dadaal iyo anshax wanaagsan, kana fogaadaan wax kasta oo saameyn kara hannaanka imtixaanka.

Ugu dambeyn, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa ardayda u rajeeyay in Alle u fududeeyo imtixaanka, islamarkaana uu guul iyo mustaqbal ifaya ka siiyo dadaalkooda waxbarasho, isagoo ku boorriyay inay sii wadaan dadaalka iyo raadinta aqoonta si ay door muuqda uga qaataan horumarka bulshada iyo dalka.