Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabelle waxaa xalay ka dhacay kulamo siyaasadeed oo iska soo horjeeday,kuwaas oo ay yeesheen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaas.
Kulamada ayaa ka kala dhacay Xarunta Madaxtooyada iyo Xarunta Baarlamaanka,waxaana uu si kala gooni gooni ah u dhexmaray Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo Xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo tiro Xildhibaano ah.
Kulamada ayaa waxaa ay ahaayeen kuwo midba midka kale uu ku doonayay inay Xildhibaannada ku kusoo jiitaan maadaama Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka laga kala gudbiyey mooshino iska soo horjeeda.
Labada dhinac ayaa waxaa ay wadaan abaabul xoogan,waxaana mooshinadaas siweyn looga dareemay loogana hadal haayaa Magaalada Jowhar iyo guud ahaan deegaannada Hir-Shabeelle.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed ayaa sheegay in 54 mudane uu ka qabtay mooshin kalsooni nolosha ah,sidoo kale uu ku eedeeyey Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo kuxigeenkiisa inay musuq maasuq iyo ku tagrifal awoodeed ka wadaan deegaannada Hir-Shabeelle.
Cabdi Kariin Xuseen Guuleed Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay Madaxda Maamulka Hir-Shabeelle in wixii khilaaf ah ee jira inay wada-hadal ku dhameeyaa.