Kulamo siyaasadeed oo xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug xalay waxaa ka dhacay kulamo siyaasadeed oo u dhaxeeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golihiisa wasiirada iyo wafdi Senataro ah oo shalay gaaray magaaladaasi.

Wafdigan shalay gaaray magaalada Gaalkacyo oo ay ka mid ahaayeen guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee aqalka sare Abshir Bukhaari iyo Senatar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa waxaa dalbaday odayaasha dhaqanka Gaalkacyo kadib markii Xaaf u qoor dhiibtay waxgaradkiisa in ay wax ka qabtaan xaalada.

Kulamada siyaasadeed ee xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa si aad ah loogu falanqeeyay sidii lagu dhameyn lahaa khilaafka mudada fog qaaatay ee weli ka dhextaagan madaxda sare ee maamulka Galmudug.

Senatarada ayaa madaxweyne (Xaaf) ka codsaday inuu tanaasul sameeyo si xaalada loo qaboojiyo, islamarkaana la isugu yimaado miiska wada hadalka, sida ay inoo sheegeen ilo ku dhawaa kulamada dhacay.

Sidoo kale maanta waxaa halkooda ka sii socon doona kulamada xalka loogu raadinayo xaalada Galmudug, iyada oo intaasi kadib wafdiga aqalka sare la qorsheynayo inay u gudbaan magaalada Cadaado, halkaasi oo ay kula kulmayaan Galmudug garabka madaxweyne kuxigeenka.

Arrinta ay wadaan xubnahan aqalka sare ayaa waxa ay noqoneysaa isku day rajo oo wanagsan oo xal loogu raadinayo khilaafka ragaadiyey maamulka Galmudug